Soomaalida ku go'doonsan Suudaan oo lasoo daad-gureynayo

Image
Dowladda federaalka ah ayaa ku dhawaaqdey in ay ka fekereyso sidii talaabadan ay u qaadi lahayd.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa wadda qorshe ay muwaadiniinteeda uga soo daad gureyso dalka Suudaan, haddii uu sii xoogeysto dagaalka u dhaxeeya xoogagga iska soo horjeeda ee dalkaas ku sugan.

"Waxaan ka wada hadlaynaa, haddii ay dhacdo in la daadgureeyo, sidii dalkan looga saari lahaa," ayuu Maxamed Sheekh Isaaq, safiirka Soomaaliya ee Suudaan, u sheegay VOA Isniintii shalay ahayd.

Wuxuu ku daray: “Ma jiraan diyaarado. Waxa jira qorshe aanu wadno oo ah in haddii aanu madaarada kaga soo rarayno aanu basas kiraysano oo aanu magaalada ka saarno oo aanu u qaadno dalalka aynu jaarka nahay ee Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya”.

Danjire Isaaq oo hadda gudashada waajibaadka xajka u jooga dalka Sacuudiga ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in ilaa 3,000 oo Soomaali ah ay ku nool yihiin dalka Suudaan, kuwaasi oo u badan arday.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayuu xusay Soomaalida ku nool Suudaan foom Online ah oo ay isku diiwaan geliyaan, isla markaana ay abuureen group WhatsApp ah, si ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ula socodsiiyaan xaaladda.

Safiir Isaaq ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in dhaqdhaqaaq kasta iyo daadgureynta suurtagalka ah ee muwaadiniinta ay ku xirnaan doonto xaaladaha dhulka.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada Sudan iyo xoogaga taageerada degdega ah ayaa sii socday Isniintii, waxaana ku dhintay ku dhawaad ​​100 qof, sida ay sheegeen wakaaladaha wararka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku booriyay dhinacyada isku haya Suudaan in ay khilaafkooda ku xalliyaan wada hadal nabadeed. Dhinacyada iska soo horjeeda ayaa waxaa ka dhaxeeya loolan dhanka awoodda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM