Soomaalida ku go'doonsan Suudaan oo lasoo daad-gureynayo

Image
Dowladda federaalka ah ayaa ku dhawaaqdey in ay ka fekereyso sidii talaabadan ay u qaadi lahayd.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa wadda qorshe ay muwaadiniinteeda uga soo daad gureyso dalka Suudaan, haddii uu sii xoogeysto dagaalka u dhaxeeya xoogagga iska soo horjeeda ee dalkaas ku sugan.

"Waxaan ka wada hadlaynaa, haddii ay dhacdo in la daadgureeyo, sidii dalkan looga saari lahaa," ayuu Maxamed Sheekh Isaaq, safiirka Soomaaliya ee Suudaan, u sheegay VOA Isniintii shalay ahayd.

Wuxuu ku daray: “Ma jiraan diyaarado. Waxa jira qorshe aanu wadno oo ah in haddii aanu madaarada kaga soo rarayno aanu basas kiraysano oo aanu magaalada ka saarno oo aanu u qaadno dalalka aynu jaarka nahay ee Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya”.

Danjire Isaaq oo hadda gudashada waajibaadka xajka u jooga dalka Sacuudiga ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in ilaa 3,000 oo Soomaali ah ay ku nool yihiin dalka Suudaan, kuwaasi oo u badan arday.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayuu xusay Soomaalida ku nool Suudaan foom Online ah oo ay isku diiwaan geliyaan, isla markaana ay abuureen group WhatsApp ah, si ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ula socodsiiyaan xaaladda.

Safiir Isaaq ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in dhaqdhaqaaq kasta iyo daadgureynta suurtagalka ah ee muwaadiniinta ay ku xirnaan doonto xaaladaha dhulka.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada Sudan iyo xoogaga taageerada degdega ah ayaa sii socday Isniintii, waxaana ku dhintay ku dhawaad ​​100 qof, sida ay sheegeen wakaaladaha wararka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku booriyay dhinacyada isku haya Suudaan in ay khilaafkooda ku xalliyaan wada hadal nabadeed. Dhinacyada iska soo horjeeda ayaa waxaa ka dhaxeeya loolan dhanka awoodda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM