Soomaalida oo ka gilgilatay geerida Jilaa Abwaan Geesi

Image
Marxuumka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay isbitaal u yaalay xanuuno dhanka Kilyaha iyo Xamaytida.

NAIROBI, Kenya - Soomaalida ayaa si weyn uga gilgishay geerida Jilaa Abwaan Geesi oo ahaa nin dhallinyaro ah oo si weyn caan ugu ahaa dhanka jilliinka madadaalada, islamarkaasna lahaa mustaqbal ifaya oo dhanka masrixiyadda ah.

Abwaan Geesi oo ahaa nin dhallinyaro oo kasoo jeeda magaalada Gaalkacayo ayay wararku sheegayaan in uu ka xanuunsanaa dhanka kilyaha iyo xamaytida, isaga oo xitaa ay caloosha biyo ka fariisteen sida ay Garoowe Online u sheegeen warfidiyeeno isbitaalka ku booqday.

Markii ay soo baxday geeridiisa, ayaa waxaa Baraha Bulshada iyo Qalabka Warbaahintaba isla qabsaday baroor-diiqda iyo tacsida loo dirayo qoyska Abwaan Geesi oo markii uu noolaa dad badan ka qososhiin jirey.

Muuqaalo uu dhowaan Baraha Bulshada soo dhigay ayuu kaga hadlayay xanuunkiisa, wuxuuna u muuqday nin kasoo kabanaya. Muuqaalada ayuu qaarkood kaga hadlay geerida iyo sida qofka nafta uga baxdo oo uu tilmaamayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Elon Musk oo ku baaqey in la Xiro Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Baalle

Abukar Dahir Osman ayaa la wareegay madaxtinimada wareegta ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 1-da Janaayo 2026.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 06:54PM

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM