Soomaaligii ugu horeeyay oo Buug ka qoray "Buufiska" Qurbe aadista.

Image

Washimgton-Cabdi Nur Iftin oo ah Nin Dhalinyaro asalkiisu Soomaali yahay balse haysta Dhalashada Maraykanka ayaa dhawaan buugiisu qabsaday baraha Bulshada.

Buuggaan oo uu ugu magac daray (Call Me American) ayaa xooga saaraya sheekada Cabdi Iftin iyo sidoo kale Halganka ay Soomaalidu u maraan badalista dhabaha Mustaqbalkooda marka ay Nolol dhaanta tan dalkooda ka raadinayaan dalalka Galbeedka.

Gobalka Maine ee dalka Maraykanka oo Iftin uu dagan yahay waxaa uu sidoo kale caan ku yahay in uu soomaalida kala hadlo Baraha Bulshada gaar ahaan Aalada Tiktok oo uu kaga hadlayo sheekooyinka noloshooda taabanaya.

Soomaalida Qurbaha gaar ahaan Ragga ayaa lagu dhaliilaa inta badan in aanay wax baran isla markaana hal abuur iyo wax kusoo kordhin Bulshooyinka ay u tagaan balse sheekada Iftin sidaasi waa ay ka duwan tahay.

Dhawaan muuqaal uu soo dhigay baraha Bulshada waxaa uu ugu mahad celiyay dadka kala socda bartiisa isaga oo sheegay in hal habeen oo kaliya laga qaatay Buuggiisa in ka badan 500 nuqul arintaasi oo uu aad ugu faraxsan yahay.

 

GaroweOnline.

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM