Soomaaliya: Abaalmarin horleh oo la dul-dhigay madaxa Cali Dheere

Image
Dowladda Mareykanka ayaa horey u balanqaadey $5 milyan si ay u hesho xog lagu dili karo horjoogahan.

BELEDWAYNE, HirShabelle - Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cusmaan, ayaa markale ku dhowaaqay abaalmarin lacageed oo ka badan mid uu hore u ballanqaday balse kalkan way ballaaratay.

Balanqaadkii hore wuxuu ku socdey dagaalamayaasha maleyshiyadda Al-Shabaab, balse kalkan waxa uu askarta ka codsaday in ay soo dilaan afhayeenka kooxda, Cali Dheere.

Jeyte oo hormuud ka ah dagaalka ka dhanka ah mitidiintan ayaa xilli kasta dareenka saxaafadda gudaha iyo adduunkaba kusoo jiita hadalo cusub iyo hanjabaado aanan horey loo arag.

Horey waxa uu dagaalyahanada shacabka ee Macawiisleyda u ballanqaaday in uu siinayo $25 kun doolar haddii ay soo dilaan mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab.

Hadda waxa uu baaq u direy dagaalamayaasha Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in uu siinayo lacag dhan $30 kun doolar qofkii keena madaxa afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere.

Dowladda Maraykanka ayaa ugu yaboohday lacag gaaraysa $5 milyan doolar, hase yeeshee laguma guuleysan dilkiisa, inkasta oo la diley hoggaamiyeyaal kale oo isaga ka muhiimsan.

Xukuumadda Muqdisho ayaa horey u sheegtay in duqeyn lagu diley Cali Dheere, balse arrinkaasi caddayn badan looma helin, waxaana muuqata in hadda dowladda si dadban u qiranayso in uu weli noolyahay.

Ma jirto xog iyo faafin mideysan oo lagala socdo wararka la xiriira hawlgalada socda iyo go’aanada dowladda federaalka, waxaana dhacda in warar is khilaafsan ay mas’uuliyiinta dowladda ka sheegaan dagaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM