Soomaaliya: Al-Shabaab oo 120 xubnood looga dilay howlgal militeri

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa dilay 120 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, kadib howlgalo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan maamulka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya labadii maalmood ee la soo dhaafay.

C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in ciidamadu ay fuliyeen 17 howlgal oo ka dhan ah kooxda argagixisada ah.

“120-ka sarkaal ee sarsare ee Al-shabaab ayaa ka mid ahaa 120-ka qof ee lagu dilay howlgallada, Isniintii ayay isaga carareen degmada Ceelgaras, wayna difaaci waayeen, howlgallada socda waa la wiiqay,” ayuu yiri Al-cadaala oo ku sugan jiida hore ee dagaalka. xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Wasiir ku xigeenka, ma uusan sheegin khasaaraha soo kala gaaray ciidamada XDS iyo kuwa deegaanka. Ciidamada ayuu ugu baaqay in ay si xoogan guryahooda uga difaacaan kooxaha argagaxisada ah, islamarkaana ay ku raad joogaan inta deegaanada laga saarayo Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM