Soomaaliya: Shabaab oo 5 qof ku dishay Sh/hoose

Image

KURTUNWAREY, Soomaaliya - Kooxda Al Shabaab ayaa xukun dil ah ku fulisay shan Muwaadiniin Soomaali ah oo ay kueedaysay inay u basaasi jireen sirdoonka dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

Shanta nin ayaa lagu toogtay fagaaro ku yaalla degmada Kurtunwarey ee gobolka Shabeellaha hoose, iyadoo ay kasoo qeybgaleen boqolaal dadweyne ah, oo haween iyo caruur ay kamid ahaayeen, sida Goobjooge uu u sheegay Warsidaha Garowe Online.

Qaadiga xukumay raggan oo madax uga ah Al Shabaab Maxkamadda degmada Kurtunwarey ayaa goobta ka sheegay in dadkan ay toogteen dhamaan lagu helay dembiyada lagu soo oogay, iyadoo aan jirin qareenno madax-banaan uu u dooday.

Shanta ruux ee la dilay waxay kala ahaayeen:

1- Cabdiqaadir Cumar Xasan oo da’diisu ahayd 23 Jir, waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay maamulka degmada Qoryooley.

2 - Cabdiqaadir Shukri Xasan oo da’diisu ahayd 30 Jir, waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay Sirdoonka Dowladda Federaalka

3 - Muxamed Abshir Cali oo da’diisu ahayd 35 Jir, waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay ciidaamda Itoobiya.

4 - Cali Axmed Sheekh Cali Oo da’diisu ahayd 30 Jir, waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay Sirdoonka Dowladda Federaalka

5 - Cali Yuusuf Axmed [Jacfar Dheere] oo da’diisu ahayd 36 Jir waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay ciidanka Kenya.

Al Shabaab oo laga saarey inta badan deegaanadii ay gacanta ku haysay ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, sidoo kalena hadda hogaamiyaal sare ku waysay Duqeymaha Mareykanka ayaa dilalka noocan ah ka fulisa goobaha ay maamusho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM