Soomaaliya: Al-Shabaab oo Gaadiid dagaal looga bururiyey Galgaduud

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada qalabka sida ayaa maanta howlgal lagu bartilmaameedsanayay kooxaha Al-Shabaab ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud.

Ciidamada iyo xoogaggoodu waxay dagaal ku qaadeen fariisimo ay ciidamada Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada gobolka Ruunirgood, iyadoo diyaarado dagaal ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen.

Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, weerarkaas ayaa lagu burburiyey 4 gaari dagaal nooca Cadi bilaha ah, 2 BGs iyo 1 UD. Ciidamada Xooga ayaa sidoo kale burburiyay gabi ahaan saldhigaas.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka dhawaqa hubka culus ayaa laga maqlayay deegaano badan ee dhaca xadka u dhaxeeya gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud.

Ilo wareedyo ka tirsan dowladda ayaa xaqiijiyay in howlgalladaasi ay khasaare xooggan ku gaarsiiyeen kooxada, halka Al-Shabaab aysan wali war kasoo saarin weerarka.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgalo amniga lagu sugayo ka sameynaya gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe, si loogu diyaar garoobo wajiga labaad, inta uu socdona waxaa la xoreyn doonaa deegaanada ka harsan labada Gobol.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka oo ku kulmay Muqdisho xilli xaraaradda doorashooyinku kordheyso

Sida ay ilo xog-ogaal ahi sheegayaan, kulankii ka dhacay Hotel Airport Golaha Mustaqbalka…

  • Soomaliya

    14-02-2026

  • 09:05PM

Turkiga oo Taangiyo Dagaal Keenay Soomaaliya

Ilo-wareedyo xog-ogaal u ah arrintan ayaa sheegaya in taangiyadan la geyn doono aagga degmada Warshiikh.

  • Soomaliya

    14-02-2026

  • 02:32PM