Soomaaliya: Al Shabaab oo qof ku gowracday duleedka Waajid

Image

WAAJID, Bakool - Al shabaab ayaa saaka qof shacab ah ku gowracday duleedka degmada Waajid, ee gobolka Bakool, oo katirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dilka ninka shacabka ah ayaa la sheegay in ay qabteen Al shabaab isagao iyo saddex kale, iyagoo watay Gaari dameer saarnaa cunto, islamarkaana kusii jeeday degmada Waajid, oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Waxay Al shabaab ku gowracday ninkan deegaanka Caleemow, oo qiyaastii 22KM u jira degmada Waajid, iyadoo wararku ay sheegayaa in saddexdii kale ee la socotay ay baxsadeen.

Al shabaab ayaa horey ugu digtay dadka ganacsatada ah inay raashiin iyo badeecooyin kale geliyaan Waajid, oo ay go'doomin kusoo rogeen markii laga soo saarey sanadkii 2014-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM