Soomaaliya: Aqalka Sare oo hakiyay Dhexdhexaadinta Gollaha Shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiigii Aqalka Sare ee loo xil-saarey xalinta Khilaafka Gollaha Shacabka, ayaa joojiyay dhex-dhexaadintii uu wadey, kadib markii ay mira-dhal noqon waysay.

Go'aanka ayaa yimid kadib markii ay iscasileen saddex kamid ah xubnaha, oo kala ah Maxamud Axmed Maxamud (Mashruuc), Maxamed Amiin Sheekh Cismaan iyo Cabdi Xasan Cawaale [Qeybdiid].

Guddiga oo ka koobnaa 7 xubnood, oo uu gudoomiye u yahay Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa la magacaabay 17-kii bishan, si ay xal waara ugu helaan Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya gudoonka Gollaha Shacabka iyo Xildhibaanada.

Xalay ayuu shaaciyay Guddiga inay fashilantay waan-waantii uu wadey, kadib markii kulamadii ay la qaateen dhinacyada isku haya Mooshinka Jawaari laga keenay ay noqdeen kuwa mira-dhali waayay, oo ismariwaaga jira uu yahay mid aysan xal u heli karin. Halkan ka akhri.

Garabka Jawaari ayaa sheegay xalay inuu burburay Mooshinka, kadib markii waqtigii loo qabtey ee 10-ka maalmood lagu horkeeni waayay Gollaha Shacabka, iyadoo waqtigaasi ku ekaa 28-ka Maarso.

Khilaafka taagan ayaan la ogeyn halka uu caga-dhigan doono, iyadoo Xildhibaanada Gollaha Shacabka labo u kala jabeen, kuwa difaacaya Jawaari iyo kuwa taageera ka helaya Xafiiska Ra'iisul Wasaare Khayre oo doonaya inay xilka ka qaadaan gudoomiyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM