Soomaaliya: Askar kamid noqonaysa Baanda Musikada oo tababar loosoo xiray

Image
Munaasabadan waxa lagu qabtay Dugsiga Tababarka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee S/Guuto Kaahiye Muqdisho-Soomaaliyeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub axmed Firin ayaa Tababar u soo Xiray 70 Askar Cusub Kana mid Noqon Doono Qeybta Hab Maamuuska Gaar ahaan Baanda Musikada Boliiska Soomaaliyeed,

Munaasabadana Tababarka loogu Soo xiraayey Ciidanka Cusub waxaa Goob Joog ahaa Taliye X/geenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan C/llaahi Maxamed (Kiniif) iyo Saraakiilkale.

Munaasabadan waxa lagu qabtay Dugsiga Tababarka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee S/Guuto Kaahiye Muqdisho-Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub axmed Firin ayaa Dadaal Xoogan ugu jira Hormarinta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Tayeyntooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u safray dalka Algeria

Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya safarka waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Soomaaliy.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 10:56AM

Aabbe lagu eedeeyay inuu gubay afar carruur ah oo uu dhalay oo lagu xiray Hargeysa

Dadka Deriska ayaa xaqiijiyay in lammaanaha ay isla soo muuqdeen maxkamad subaxnimadii dhacdadu dhacday.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 06:07AM