Soomaaliya: Askari afar naf xabbad isu mariyay oo dil lagu xukumay

Image
Mid ka mid ah haweenka uu diley ayaa ahayd askariyad ka tirsan ciidanka dowladda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Askari ka tirsan ciidanka gaarka ah ee Duufaan ee NISA oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Maxamuud ayay maxkamadda ciidanka ku xukuntay dil toogasho ah kadib markii lagu heley in uu halmar nafta dhaafiyay afar qof.

Dhacdo Muqdisho ka dhacday bishii September 2022 ayuu askariga rasaas uu furey waxaa ay haleeshey 2 haweenay oo labaduba xaamilo ahaa, xilligii dhalmadana u dhowaa, kuwaas oo aanan nafta dhulka la dhicin.

Markii qalliin lagu sameeyay oo ilmihii lasoo saaray, ayay ilmihiina saacado gudahood ku dhinteen, taas oo tirada dadka uu diley ka dhigtay 4 qof.
Dad marqaatiyaal ah oo maxkamadda la horkeenay ayaa qirey in askariga uu si ula kac ah falka u geystay, dilka ka horna uu ku hanjabayay in uu dadka layn doono.

Mid ka mid ah haweenka uu diley ayaa ahayd askariyad ka tirsan ciidanka dowladda oo shaqo ka haysay meesha, taas oo la sheegay in ay kala talisay in uu qoriga ku fiiqo dadka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Shuute ayaa ugu dambeyntii ku dhowaaqay go’aanka, wuxuuna sheegay in xukunka yahay dil toogasho ah.
Askarta dowladda ayaa geysta dilal aanan sabab badan lahayn oo shacabka loo geysto, iyada oo kiisaska yaala maxkamadda ciidamada ay aad u badanyihiin.

Dowladda ayaa waxaa saaran culeys weyn oo ah in ay xoojiso tababarka askarta, bad-qabka hubka ay wataan, iyo la xisaabtanka saraakiisha u Talisa ciidanka, iyada waxa ugu weyn ee farta lagu fiiqayo ay tahay maandooriyaha sida qaadka oo ay aadka u isticmaalaan ciidanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo taageerada AUSSOM u joojinaya fashilka dagaalka Al-Shabaab iyo horumar la’aanta amniga Soomaaliya

Warqad rasmi ah oo ka soo baxday Xafiiska Ergeda Mareykanka ee Midowga Afrika, kuna taariikheysan 1-da Luulyo 2026.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:25AM

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM