Soomaaliya: Barlamaanada Galmudug iyo Ahlusuna oo la isku daray

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa si rasmi ah loo mideeyay labada Baarlamaanka ee Galmudug iyo Ahlu Sunna, kadib Heshiis ay dalka Jabuuti ku gaareen hogaamiyaasha labada maamul bishii December ee sanadkii tagey, 2017.

Xaflad ka dhacday Dhuusamareeb shalay [26-ka Maarso], ayaa lagu mideeyay labada Baarlamaanka, waxaana munaasabada goobjoog ka ahaa Madaxweyne Xaaf, ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Cabdi, Madaxa Xukuumadda Maxamed Shaakir, Gudoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir iyo Mas'uuliyiin kale.

Baarlamaanka isku-dhafka ah ayaa Xildhibaanadiisu noqonayaan 178 mudane, waxaana uu ku shaqeyn doonaa magaalada Cadaado, oo dhawaan lagu heshiiyay inay noqoto xarunta ay ku shaqeyso Hay'adda Sharci dejinta Galmudug.

Madaxweyne Xaaf iyo Madaxdii kale ee ka hadlay munaasabadda midowga labada Baarlamaan ayaa si isku mid ah u sheegay in Galmudug ay ka gudubta Khilaafaadkii ragaadiyay, islamarkaana hadda ay midowday, una dhaqaaqday dhanka horumarka iyo nabadda.

Heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa meesha ka saarey kala qeybsanaantii mudada ka jirta gobollada dhexe ee dalka, waxaana arintaasi gacan ka geystay Madaxweyne Farmaajo oo dhawaan safar dib u heshiisiin ah ku tagey deegaanada Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM