Soomaaliya: Baarlamaanka oo sheegay inay Cadaalad darro iyo adeeg la’aanta ka jirto Xabsiga Dhexe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga Adeega Bulshada ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray warbixin ay kaga hadlayaan xaaladda murugada leh ee ka jirta xabsiga dhexe.

Guddigu waxay ku nuuxnuuxsadeen dhowr qodob oo xasaasi ah, iyadoo ay ugu daran tahay ciriiriga ka jiro xabsiga. Tirada maxaabiista ayaa kor u dhaafay tirada loogu talagalay xabsiga, taasoo uga sii dartay xaaladihii qalafsanaa ee markii hore ku sugnaayeen.

Waxaa intaa dheer, guddigu wuxuu iftiimiyay maqnaanshaha bixinta daryeel caafimaad oo ku filan maxaabiista, taasoo ka dhigaysa inay u nuglaadaan xaaladaha caafimaad ee sii xumaanaya.

Guddiga arrimaha bulshada oo ka jawaabaya arrimahan murugada leh waxa ay dalbadeen in la balaariyo isla markaana dib u dayactir lagu sameeyo xabsiga dhexe si loo yareeyo ciriiriga ka jira, loona hagaajiyo nolosha maxaabiista.

Qoraalka guddiga ayaa hoosta ka xariiqaya baahida degdega ah ee loo qabo in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo nidaamka cadaaladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo in si cadaalad ah loola dhaqmo maxaabiista.

Waxaa xusid mudan in Xidhibaanada Golaha Shacabka ay Kulankii ugu dambeeyay  dood adag ka yeesheen xaalada ay ku sugan yihiin maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee gobolka Banaadir.

Xaruntan oo ay hadda ku jiraan 1,321 maxbuus oo ka kala yimid gobollada dalka, ayaa noqotay meel lagu dhibaateeyo bulshada Somaaliyeed oo ay cadaalad darro ka jirto, sida ay sheegeen qaar ka mid ah xildhibaanada.

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo hormuud ka ahaa wax ka qabashada dhibaatooyinkaas, ayaa hore u muujiyay sida uu uga walaacsan yahay maxaabiista lagu hayo xabsiga ee aan maxkamad la horgeyn, isagoo sheegay in dalka aysan ka jirin cadaalad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM