Soomaaliya: Baarlamaanka Puntland oo sii wada qorshe looga digay

Image

GAROWE, Soomaaliya - Golaha wakiilada Puntland ayaa sii wada ogaysiisyada wax ka badalka Dastuurka xilli ay soo badanayaan baaqyada ku aadan arintaas.

Khudbadihii Jimcaha masaajidada Puntland ayaa jimcihii looga hadlay in Goluhu ka baaqsado in dhibaato hor leh ay u horseedaan Puntland.

Uurur siyaasadeedka Mideeye oo maalintii shalay Garowe ku qabtay War-saxaafadeed ayaa Masuuliyada dhibaatadii Garowe ka dhacday dusha u saaray, Madaxweynaha wakhtigiisa Dastuuriga ah ay bilooyinka ka harsan yihiin iyo Gudoomiyaha Golaha wakiilada oo ka wada tirsan ururka KAAH.

Gudoomiyaha Golaha wakiilada Puntland, Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo horey Agaasimaha warfaafinta ka ahaa madaxtooyada Puntland xiligii dowlada Madaxweyne Gaas ayaa haatan tahay markii u horaysay ee uu xubin ka noqdo golaha sharci dajinta Puntland. 

Xildhibaan Faarax Biyoole oo ka tirsan golaha Wakiilada Puntland ayaa ku tilmaamay in Kartoon Masas ay ku jiraan la dhex keenay Golaha Wakiilada isaga oo ula jeeda wax ka badalka Dastuurka.

Madaxweyne Deni oo mudada xil-hayntiisa Dastuuriga ah ay ka harsan yihiin bilooyin ayaa ka damacsan muddo kororsi Puntland si uu markale isugu sharaxo doorashada Federaalka 2026 sida ay ku doodayaan falan-qeeyayaashu.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM