Soomaaliya: CC Shakuur oo diiday inuu tago Maxkamadda Racfaanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishkuur ayaa ka biyo diiday inuu hortago Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir oo maanta dhageysanaysa Dacwad isaga ka dhan ah.

Isagoo ka hadlayay xalay Shir Jaraa'id oo uu ku qabtey Hoygiisa, ayaa Siyaasigan mucaaradka ah ku tilmaamay Kiiskiisa dib loo soo furay mid siyaasadaysan oo ay ka dambeeyeen madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale diiday in qareenno isaga matalaya ay ka qeybgalaan dhageysiga maanta ee Maxkamadda racfaanka, oo horyaallo Kiiskiisa oo Xeer Ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Daahir horgeeyay markii uu ku qanci waayay qaraarkii Maxkamadda gobolka bishii lasoo dhaafay ay kusoo dayasay CC Shakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa lagu soo oogay eedaymo ay kamid yihiin inuu yahay qaran-dumis ka shaqeynayay sidii loo ridi lahaa Madaxaweyne Farmaajo iyo inuu dhaqaale kasoo qaatey dowlado shisheeye oo lagu abaabulayay mooshinno.

Lama oga go'aanka ay ka qaadan doonto Maxkamadda Racfaanka dacwadda hortaalla, mar hadii eedaysanaha CC Shakuur uu diiday markii labaad inuu kasoo qeybgalo dhageysiga kiiskiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM