Soomaaliya: Ciidamada Kenya oo duqeeyay Ceel Waaq

Image
Image

CEEL WAAQ, Soomaaliya - Ciidamada Kenya ayaa duqeyn ka fuliyay magaalada Ceel Waaq ee gudaha Soomaaliya, iyagoo sidoo kale burburiyay xarun ay leedahay Shirkad Isgaarsiineed.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe ay diyaaradaha Militariga Kenya ay gantaallo ku garaaceen Deegaanka Ceel Banda, oo qiyaastii 2Km dhanka Koonfur uga beegan Ceel-Waaq, islamarkaana ku yaalla Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamada ayaa saaka gudaha u galay deegaankaasi, waxayna qarax ku xireen Taawarka Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, kadibna sidaasi ku burburiyay, sida qof kamid ah dadka deegaanka uu u sheegay Garowe Online.

Deegaanka Ceel Banda waxaa ku sugnaa ciidamada dowladda Federaalka xilliga weerarka kuwaasi oo awoodi waayay inay kahor tagaan burburinta hantida shacabka ee Tuulada iyo xarunta Shirkadda Isgaarsiinta.

Odayaasha degmada Ceel Waaq ayaa sheegay inay kulan ka leeyihiin weerarka ciidanka Kenya, kaasi oo ay sheegeen inuu yahay mid aan la aqbali karin, islamarkaana ay kala hadli doonaan dowladda Kenya.

Dowladda Kenya, gaar ahaan wasaaradda difaaca dalkaasi kama aysan hadlin sababta ay ciidamada u weerareen deegaanka ku yaalla duleedka Ceel Waaq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM