Soomaaliya: Ciidamo ka wada tirsan dowladda oo ku dagaalamay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dagaalamay markale gudaha magaalada Muqdisho, xilli dhawaan Ra'iisul Wasaare Khayre ka digay sii socoshada isku dhacyada Ciidamada.

Iska hor-imaadka maanta ayaa ka dhacay Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodon, kadib markii ay fooda isdareen Ciidamo uu tababaray Imaaraadka iyo kuwa Xasilinta Caasimadda oo halkaasi kawada howlgallo amni.

Goobjoogiyaal ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in dagaalka uu saameyn ku yeeshay Xaafado katirsan degmada Hodon, sida Isgoyska Tarabuunka, aagga Digfeer, Warshadihii hore ee Caanaha iyo Xaafaddo kale oo rasaastu ay gaartay.

Wali lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay iska hor-imaadkaan Ciidamada ku dhexmaray Isgoyska Tarabuunka illaa Warshada Caanaha, kaasi oo sababay khasaarooyin kala duwan iyo inay xirmaan wadooyinka.

Isku dhaca Ciidamada ayaa kusoo beegmaya xilli uu Madaxweyne Farmaajo ku sugan yahay Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasi oo uu ka sameystay Xafiis KMG ah oo uu ku shaqeynayay mudooyinkii dambe, isagoo sameynaya isku shaandheyn hogaanka Ciidanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM