Soomaaliya: Ciidamo lagu badalayo kuwa isaga soo baxay furimaha dagaalka oo la abaabulay

Image

CADALE, Soomaaliya - Tobaneeyo askar ah oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa ka baxay magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeday jiidaha hore ee dagaalka oo ay horay uga baxeen qaar ka mid ah ciidamada deegaanka.

Ciidamadan ayaa markii ay ka baxeen magaalada Muqdisho waxa ay fariisin ka dhigteen magaalada xeebta ah ee Cadale ka hor inta aysan u ambabixin deegaanada ay colaaddu ka taagan tahay ee gobollada Mudug & Galgaduud si ay u hoggaamiyaan dagaallada halkaasi ka socda.

Ciidankaan ayaa tababar ku qaatay Saldhiga Balidoogle, waxaana inta badan ay ka kala yimaadeen magaalooyinka ay ka socdaan dagaalada ka dhanka ah 'AS'.

Dagaallada ayaa hadda ka socda koonfurta gobolka Madug, halkaasoo ciidamada dowladda ay ku guuleysteen in deegaanno badan ay ka xoreeyaan kooxda ‘AS’ iyaga oo garab ka helaya kuwa deegaanka iyo dalalka saaxiibka la ah.

Waxaa xusid mudan in kooxo ka tirsan ciidamada dowladda ay isaga baxeen furumaha dagaalka ee gobolka Galgaduud kadib weerarkii Cowsweyne oo lagu dilay tobaneeyo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM