Soomaaliya: Dagaal culus oo ka dhacay duleedka Balcad

Image

BALCAD, Soomaaliya - Iska Hor-imaad xooggan oo u dhaxeeya Al Shabaab iyo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu ka dhacay saaka oo Axad ah deegaan ku yaalla duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka ayaa billowday kadib markii Xoogag katirsan Al Shabaab ay weerareen fariisin ciidamada Militariga dowladda ku leeyihiin Tuulada Gogoley, oo ku dhaw Balcad, waxaana labada dhinac isku adeegsadeen hubka culus.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online inay maqlayeen madaafiic xooggan iyo qaraxyo kahor inta uusan dagaalka billaaban, iyagoo intaasi ku daray in ciidamada dowladda Soomaaliya ay isku caabiyeen weerarka lagu soo qaadey.

Saraakiisha ciidamada ayaa xaqiijiyay in tiro dagaalyahanno ah ay Al Shabaab ay ku dileen dagaalka, qaar kalena ay dhaawaceen, waxaana ay meesha ka saareen inuu dhankooda uu khasaaro soo gaarey.

Xaaladda ayaa hadda degan, iyadoo fariisinka iyo guud ahaan deegaanka ay wali gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo sare u qaadey feejignaantooda weerarka gaadmada ah kadib, waxayna fuliyene howlgallo amni.

Al Shabaab ayaa isku dayaysa inay dib ula wareegto deegaanno dhawaan ay ciidamada dowladda iyo AMISOM ka qabsadeen oo ku yaalla inta u dhaxaysa Balcad iyo Afgooye kuwaasi oo muhiim uu ah isku socodka dagaalyahanadeeda Koonfurta Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM