Soomaaliya: Dood ka taagan cidda fulisay weerar lagu dilay taliye saldhig

Image
Taliyihii ciidamada saldhiga booliska degmadda Bardaale Cali Boorow ayaa maanta ku dhintay iska-hor-imaad.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyihii ciidamada saldhiga booliska degmadda Bardaale, Cali Boorow, ayaa maanta oo Sabti ah waxaa lagu dilay iska horimaad aad u xooggan ka dhacay magaaladaas.

Wasiirka amniga maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Xasan Cabdiqaadir Maxamed, ayaa sheegay in degmadda Boorow lagu dilay weerar ay degmadda kusoo qaadey kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale, war ay soo dhigeen dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in Boorow lagu dilay iska horimaad dhexmaray wax ay ku qeexeen "maleeshiyaadka Murtadiinta".

Geesta kale, qaar kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda degmadda Berdaale oo qoraalo ku daabacay baraha bulshadda ayaa sheegaya in dagaalku uu u dhaxeeyay laba kooxood oo deegaanka ah.

Wasiirkii hore ee haweenka Soomaaliya, Xaniifa Xaabsade oo kamid ah siyaasiyiintaas, ayaa sheegtay in ay horey uga digeen dagaalka iyadda oo ku baaqdey in xaalada lagu soo celiyo si degan.

"Sax ma ahan in Berdaale Shabaab soo wareeray. Berdaale waxaa ku dagaalamay ciidamo maamulka soo diray iyo ciidamo degaanka weligoodba joogey oo Shabaab ka difaacayey oo macwiislay ah," ayay tibaaxdey.

Berdaale oo qiyaastii 211 KM u jirta caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa joogitaan culus ku leh ciidamadda Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM