Soomaaliya: Dood ka taagan cidda fulisay weerar lagu dilay taliye saldhig

Image
Taliyihii ciidamada saldhiga booliska degmadda Bardaale Cali Boorow ayaa maanta ku dhintay iska-hor-imaad.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyihii ciidamada saldhiga booliska degmadda Bardaale, Cali Boorow, ayaa maanta oo Sabti ah waxaa lagu dilay iska horimaad aad u xooggan ka dhacay magaaladaas.

Wasiirka amniga maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Xasan Cabdiqaadir Maxamed, ayaa sheegay in degmadda Boorow lagu dilay weerar ay degmadda kusoo qaadey kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale, war ay soo dhigeen dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in Boorow lagu dilay iska horimaad dhexmaray wax ay ku qeexeen "maleeshiyaadka Murtadiinta".

Geesta kale, qaar kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda degmadda Berdaale oo qoraalo ku daabacay baraha bulshadda ayaa sheegaya in dagaalku uu u dhaxeeyay laba kooxood oo deegaanka ah.

Wasiirkii hore ee haweenka Soomaaliya, Xaniifa Xaabsade oo kamid ah siyaasiyiintaas, ayaa sheegtay in ay horey uga digeen dagaalka iyadda oo ku baaqdey in xaalada lagu soo celiyo si degan.

"Sax ma ahan in Berdaale Shabaab soo wareeray. Berdaale waxaa ku dagaalamay ciidamo maamulka soo diray iyo ciidamo degaanka weligoodba joogey oo Shabaab ka difaacayey oo macwiislay ah," ayay tibaaxdey.

Berdaale oo qiyaastii 211 KM u jirta caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa joogitaan culus ku leh ciidamadda Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM