Soomaaliya: Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday duleedka Kismaayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Duqeyn diyaaradeed ayaa xalay ka dhacday duleedka magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada hoose, oo caasimad KMG u ah maamulka Jubbaland.

Sarkaal katirsan Militariga Soomaaliya oo ku sugan gobolka ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in duqeynta taasi oo uu sheegay in lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen hogaamiyaal katirsan Al Shabaab xilli ay marayeen deegaanka Beerxaani.

Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Drone-ka ayaa dhowr gantaal ku weerartay gaadiidka Al Shabaab, waxayna burburiyeen qaar kamid ah kolonyada baabuur.

Warar kale oo GO ka helayo Illo-wareedyo ku sugan deegaanka ayaa sheegaya in weerarka lala eegtay goob ay ku shirayeen hogaamiyaasha Al Shabaab.

Inta la xaqiijiyay 7 xubnood oo kamid ah Al Shabaab ayaa ku dhintay duqeynta.

Ma jirto cid sheegatay inay ka damabayso weerarka, balse duqeymaha noocan ah ayaa waxaa looga bartay Mareykanka oo mudooyinkii dambe kordhiyay beegsiga Al Shabaab.

Jubbaland kama aysan hadlin sidoo kale duqeynta Beerxaani, oo 60KM dhanka galbeed uga beegan magaalada Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM