Soomaaliya: Farmaajo oo ka hadlay weerarka Naaso-hablood

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay weerarkii galabta lagu qaaday hotel Naaso-hablood 2 kaasoo ilaa iminka soconaya.

Madaxweynahu waxa uu Alle uga baryey in uu naxariistiiisa Janno ka waraabiyo dadkii ku geeriyooday weerarkaas ay gaysteen mallayshiyaad katirsan Al Shabaab.

“Inaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Janadiisa ku manaysto, dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee lagu laayey weerarkaan. Intii dhaawacanta iyagana waxa aan ugu ducaynaynaa in Alle uu siiyo caafimaad deg-deg ah.” Sidaas waxaa yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Farmaajo ayaa ku tilmaamay weerarkaan mid ay doonayso argagixisada Alshabaab in ay ku cabsi galiso shacabka Soomaaliyeed ee ku baraarugay musiibadii 14ka Oktoobar, taas oo horseedday midnimo iyo istaakulayn ay muujiyeen shacabku dal iyo dibadba.

“Waxaa cabsi galiyey dadkeenna midoobay ee is garab-istaagay xilligii adkaa iyaga oo muujinaya sida ay uga go’antahay in ay ka qayb qaataan abaabulka lagu nabadaynayo dalka.”

Isagoo sii hadlaya wuxuu intaas ku daray in falalka noocaan oo kale ah aysan marnaba niyad-jab ku noqonayn qorshayaasha iyo howlgallada dowladda ay kaga hortagayso dhibaatada ay ku hayaan shacabka argagixisada Alshabaab.

Mallayshiyaad hubaysan ayaa ilaa hadda gudaha ugu jira hotelkaas oo ay ku hareeraysanyihiin ciidamo katirsan nabad sugida iyo millatariga dowladda Soomaaliya, waxaana hadda la maqlayaa rasaas goos goos ah.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah, balse waxaa la xaqiijiyay inay dhinteen 19 qof oo ay ku jiraan madax hore iyo wasiirkii Arrimaha Gudaha maamulka Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed, kaasoo kami ahaa wafdi Muqdisho u yimid ka qayb galka shirka madaxda DFS iyo maamul goboleedyada.

Weerarkan ayaa yimid 2 asbuux kadib markii Qarax lagu hoobtay uu ka dhacay is-goyska Zoobe oo ay ku dhinteen ku dhawaad 400 qof halka intaas ka badan dhaawacyo soo gaareen.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM