Soomaaliya: Farmaajo oo Kulamo la leh Bulshada Dhuusamareeb

Image
Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB - Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb kulamo kula leh madaxda Galmudug, Ahlu Sunna iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa kulanka uu la qaadanayo mas’uuliyiinta Galmudug iyo Ahlu Sunna diirada lagu saari doonaan sidii loo midayn lahaa shacabka gobollada dhexe, islamarkaana looga gudbi lahaa khilaafka jira.

Inta uu socdo shirka, Farmaajo ayaa warbixino kala duwan ka dhageysan doona bulshada, kuwaasi oo ku aadan baahiyaha ay qabaan iyo sida la isaga kaashan karo taloobooyin dhinaca horumarka ah.

Waxaa sidoo kale Madaxweyne Farmaajo uu ka qeyb galayaa shirweynaha lagu dhameystirayo heshiiskii magaalada Muqdisho ay ku kala saxiixdeen bishii December madaxda Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa siweyn loo adkeeyey, maadaama ay ku sugan yihiin Madaxweynaha dalka, Madax sare oo ka kala socda maamullada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyniyaasha dowlad goboleedyada qaarkood, oo ay kamid yihiin Cabdiweli Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa ka baaqday ka qeybgalka Munaasabadda mideynta Galmudug iyo Ahlu Sunna ee ka dhacaysa Dhuusamareeb. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM