Soomaaliya: Gudoomiyihii Balcad oo xilka laga qaaday

Image

BALCAD, Soomaaliya - Madaxweynaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta xilka ka qaadey gudoomiyihii degmada Balcad, ee gobolka Shabeellaha Dhexe, Cismaan Maxamed Maxamuud.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare, ayaa xilkii looga xayuubiyay gudoomiyaha, waxaana xilkaasi loo magacaabay islamarkiiba Qaasim Cali Nuur.

Sababta xilka looga qaadey Cismaan lama shaacin, balse War saxaafadeedka waxaa lagu xusay in ay timid kadib talo soo jeedin bulshada qeybaheeda kala duwan, iyo waxgaradka degmada Balcad.

Madaxweynaha HirShabeelle ayaa daboolka ka qaadey inay jirto baahi ku aadan in dib u habeyn lagu sameeyo maamulka degmooyinka iyo midka gobolka Shabeellaha dhexe.

Xilka ka qaadista gudoomiyaha Balcad ayaa imaanaysa iyadoo aan wali Waare loo caleema saarin xilka, oo uu kala wareegay Cali Cosoble, kadib markii uu ku guuleystay doorasho ka dhacday bishii September.

Dhanka kale, Madaxweynaha oo maanta khudbad ka jeediyay Baarlamaanka HirShabeelle ayaa ka codsaday Xildhibaanada inay mudo bil ah ugu kordhiyaan waqtiga uu kusoo magacaabayo Gollahiisa Wasiiradda cusub.

Baarlamaanka ayaa ka aqbalay Waare codsigiisa, ku aadan mudo-kordhinta dhisamaha Xukuumadiisa, taasi oo lagu saleyn doono qaabka awood-qeybsiga Beelaha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Hoos ka akhriso Wareegtada:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM