Soomaaliya: Hakad ku yimid Howlgaladii ka socday gobolka Baay

Image

BERDAALE, Soomaaliya - Waxaa hakad uu ku yimid Howlgalladii military ee ka socday gobolka Baay ee Koonfurta Soomaaliya, kadib markii dhibaatooyin kala duwan ay soo wajaheen ciidamada huwanta.

Gudoomiyaha degmada Berdaale Saalax Axmed ayaa sheegay in uusan jirin wax dhaq-dhaqaaq ah oo ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM ay sameeyeen mudooyinkii dambe, islamarkaana ay xaaladda amni fara kasii baxayso.

Saalax ayaa sababta ku sheegay inay tahay ciidamada oo aan haysan agab military oo ku filan iyo mushaaraad, taasi ay niyad jab ku keentay inay sii wadaan dagaalkii lagula jiray Al Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in Al Shabaab ay tani fursad u tahay oo ay dib u qabsanayaan degmooyinkii horey looga saaray, isagoo igu baaqay Maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda Federaalka inay daboolaan baahida ciidanka.

Waxaa aad u adag in la isku gudbo degmooyinka gobollada Baay iyo Bakool, kadib markii Al Shabaab ay go'doomisay wixii ka dambeeyay 2015, waxaana taasi ay keentay dhibaatooyin xooggan oo dhanka dhaqaalaha ah oo oo wajahay Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM