Soomaaliya: Hakad ku yimid Howlgaladii ka socday gobolka Baay

Image

BERDAALE, Soomaaliya - Waxaa hakad uu ku yimid Howlgalladii military ee ka socday gobolka Baay ee Koonfurta Soomaaliya, kadib markii dhibaatooyin kala duwan ay soo wajaheen ciidamada huwanta.

Gudoomiyaha degmada Berdaale Saalax Axmed ayaa sheegay in uusan jirin wax dhaq-dhaqaaq ah oo ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM ay sameeyeen mudooyinkii dambe, islamarkaana ay xaaladda amni fara kasii baxayso.

Saalax ayaa sababta ku sheegay inay tahay ciidamada oo aan haysan agab military oo ku filan iyo mushaaraad, taasi ay niyad jab ku keentay inay sii wadaan dagaalkii lagula jiray Al Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in Al Shabaab ay tani fursad u tahay oo ay dib u qabsanayaan degmooyinkii horey looga saaray, isagoo igu baaqay Maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda Federaalka inay daboolaan baahida ciidanka.

Waxaa aad u adag in la isku gudbo degmooyinka gobollada Baay iyo Bakool, kadib markii Al Shabaab ay go'doomisay wixii ka dambeeyay 2015, waxaana taasi ay keentay dhibaatooyin xooggan oo dhanka dhaqaalaha ah oo oo wajahay Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM