Soomaaliya: Howlgal ka bilowday HirShabeelle

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Madaxweynaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa shaaciyay in howlgal military oo ka dhan ah Al Shabaab uu ka billowday deegaanada maamulkiisa.

Wuxuu sheegay in Howlgalka billowday ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM, iyadoo ujeedka uu yahay in la furo wadooyinka ay go’doomisay Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ah ayaa u dhaqaaday Tuulooyinka ay maamusho Al Shabaab ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, ee kooxda ay ka hesho dhaqaalaha ay ku wado dagaalka ay kula jirto HirShabeelle.

Howlgallo waxa uu hadda wajigiisa hore ka billowday Wadada u isku xirto degmooyinka Balcad iyo Jowhar, ee gobolka Shabeellaha hoose, iyadoo dadka deegaanka ay soo dhaweeyeen tallaabadan.

Al-Shabaab ayaa bilihii lasoo dhaafay xoojiyay Weerarada ay ka geysanayaan degaanada maamulka Hirshabeelle gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweyne Waare ayaa tilmaamay in gobolka Hiiraan oo bilihii lasoo dhaafay Al-Shabaab ay saartay xayiyaarad isku socodka degmooyinka laga billaabi doono dhawaan howlgalka wado-furista ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM