Soomaaliya iyo Bangiga Aduunka oo ka shiray dib-u-habeynta dhaqaalaha

Image

GENEVA, Swiss - Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo agaasimaha cusub ee qeybta maamulka Bangiga adduunka, Axel van Trotsenburg, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Swizerland.

Kulanka oo qeyb ka ahaa kulamada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo qaar kamid ah madaxda ka qeyb geleysa madasha qaxootiga adduunka ayaa looga hadlay arrima muhiim ah oo ay kamid yihiin dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya.

Bangiga adduunka ayaa taageera hey’adaha dowladeed ee dalka si loo dhiirri geliyo dowlad wanaagga, loona karaariyo dib-u-kabashada dhaqaalaha iyo shaqo abuurka

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu joogay Geneva waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan iyo wasiirka arrimaha dibadda Sweden.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM