Soomaaliya iyo Ciraaq oo ka shiray cusbooneysiinta xiriirka ka dhaxeeya

Image
Wasiirka koowaad ee Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu ka warbixiyay "guulaha ay gaartey xukuumadiisa".

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda jira booqashada rasmiga ah ee uu ku joogo Baqdaad, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Ciraaq, Muxsin Al-Mandalawi.

Xamse iyo Al-Mandalawi ayaa si guud uga wada hadlay xoojinta cilaaqaadka u dhaxeeya labada waddan iyo sidii ay Soomaaliya iyo Ciraaq ay u cusbooneysiin lahaayeen iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ka dhaxeyn jiray labada dowladood iyo shacab.

Wasiirka koowaad ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyay guulaha la taaban karo ee Soomaaliya ay ka gaartay dhinacyada amniga iyo dagaalka Khawaarijta, dhaqaalaha, horumarinta arrimaha bulshada iyo diblomaasiyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM