Soomaaliya iyo Ethiopia oo kala saxiixday heshiis la xiriira Arrimaha Difaaca

Image
Heshiiskan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan la billaabayo wajigii labaad ee 'AS'.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Itoobiya Abraham Belay ayaa kala saxiixay cusbooneysiinta is-afgaradka difaaca (MoU), kaasi oo hore labada dowladood u kala saxiixdeen bishii February, 2014.

Heshiiskan ayaa laga golleeyahay in lagu xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, waxa uuna sidoo kale sahlayaa in si dhow la isaga kaashado xoojinta nabadda iyo ammaanka.

Warqad ka soo baxday dowladda ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu abuurayo dhismaha guddiyo difaac oo wadajir ah, si ay u horumariyaan, una fududeeyaan hirgelinta heshiiska is-afgaradka ah.

Heshiiskan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan la billaabayo wajigii labaad ee howlgalka guud ee ka dhanka ah Al-shabaab, kaasoo ay ka qeyb qaadan doonaan wadamada safka hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM