Soomaaliya iyo Finland oo ka shiray "xoojinta xiriirka laba geesoodka"

Image
Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland, Pekka Haavisto, ayaa la kulmay madaxwayne Xasan Sheekh.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland, Pekka Haavisto, ayaa Jimcadii shalay ahayd waxa uu booqasho rasmi ah ku yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Abshir Jaamac Cumar Haruushe, wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaana ay yeesheen "wadahadalo horudhac ah".

"Wada hadallo hordhac ah oon yeelanay waxaan bogaadiyay kaalinta dowladda Finland ee nabad dhiska, xasiloonada iyo martigelinta muwaadiniin Soomaaliyeed oo fara badan," ayuu yiri Haruushe.

Haruushe ayaa ku daray: "Wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibedda Finland ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiin kale oo laamaha dowladda ah, waxayna booqan doonaan xarumo kala duwan".

Wadahadalka Haruushe kadib, wafdiga ayaa loo galbiyey dhinaca Madaxtooyadda Soomaaliya ee Muqdisho halkaasoo ay kula kulmeen madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno kamid ah dowladiisa.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dhinacyadda ay diiradda saareen "xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga arrimaha faa'iidada u leh labada dal".

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland Mudane Pekka Haavisto oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga arrimaha faa'iidada u leh labada dal," ayaa lagu yiri bayaanka.

War-saxaafadeedka ayaa waxa uu intaas kusii daray: "Dowladda Finland ayaa ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee taageera horumarka iyo dowlad-dhiska dalkeenna".

Finland ayaa kamid ah wadamadda si aadka ah u daneeya arrimaha shidaal qodista Soomaaliya waxaana socdaalka wasiirka arrimaha dibadda dalkaas uu imaanayaa xilli dowadda federaalka ku howlan tahay arrinkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM