Soomaaliya iyo Imaaraadka oo kawada hadlay hagaajinta xiriirka

Image
Cilaaqaadka labada dal ayaa meeshii ugu hooseysay mudadii uu xafiiska joogay Farmaajo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa maanta oo Arbaco ahayd khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Imaraadka Carabta.

Sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa Mudane Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan wuxuu uga tacsiyeeyey dhibbaneyaasha weerarkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Abu Dhabi.

Wasiirka iyo Wasiiru-dowlaha ayaa "ka wada hadlay hagaajinta xiriirka labada dal iyo muhiimadda ay labada dowladood u leedahay horumarinta xiriirka labo geesoodka ah," ayay raacisay wasaaradda.

Bayaankan lagu faafiyey ciwaanka Facebook-ga ee wasaaradda ayaa lagu caddeeyay "in labada mas'uul ay si lamid ah isdhaafsadeen aragtiyo waxtar u leh iskaashiga arrimaha hortebinta u leh danaha labada qaran".

"Waxaana Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu ugu hambalyeeyay Wasiiru-dowlaha ka mid noqoshahooda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay horraantii bishan," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka.

Xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya oo xumaa mudadii uu xafiiska joogay Farmaajo waxaa dhowaan dib u soo nooleeyay ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble kaasoo cudurdaar ka bixiyey dhacdadii Dubai looga qabtey $10-ka milyan ee madaarka Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM