Soomaaliya iyo Imaaraadka oo sameysanaya "guddi saaxiibtinimo"

Image
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa qaabilay danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, Ahmed Jumah Alromaith.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, Ahmed Jumah Alromaith.

Aadan Madoobe iyo Danjire Alromaith ayaa "ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, sidii loo sameyn lahaa guddi Saaxiibtinimo ah oo ka kooban labada Baarlamaan".

"Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa bogaadiyay doorka Isutagga Imaaraadka Carabta ay ka qaateen la dagaallanka kooxda Khawaarijta iyo horumarinta ciidamada Soomaaliya," ayuu yiri xafiiska Aadan Madoobe.

Dhinaca kale, Xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadannimada ee Golaha Shacabka ayaa Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada Villa Hargeisa ugu furmay tabbabar soconaya hal maalin oo ay bixinayso Hay’adda Max Planck Foundation For Peace and Rule of Law.

Tababarkan oo cinwaankiisu ahaa Horumarinta Matalaadda Danaha Haweenka ee Dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya iyo Hannaanka Sharci-dejinta.

Intii uu socday tababbarka waxaa ka faa’ideystay Xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka iyo Xubno kale oo ka tirsan Golaha Shacabka.
Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha Shacabka Xil. Haawo Sokor Cali ayaa soo xirtay tababbarka.

Haawo ayaa waxay si gaar ah ugu mahadcelisay khubarada bixinaysay casharka iyo Hay’adda Max Planck Foundation For Peace and Rule of Law oo soo abaabushay tababbarkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM