Soomaaliya iyo Itoobiya oo aqbalay codsi uga yimid Turkiga

Image
Warar laga helay Illo wareedyo waxay sheegayaan in Ankara ay casuumtay hogaamiyeyaasha Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa aqbalay codsigii Turkiga ee ahaa in ay labada dowladood miiska wadaxaajoodka uga heshiiyaan khilaafka ka dhashay is-afgaradkii ay Addis Ababa la gashay maamulka Somaliland.

Warar laga helay Illo wareedyo waxay sheegayaan in Ankara ay hogaamiyeyaasha Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ku martiqaadey dalkeeda si ay si rasmi ah ugu bilowdaan wadahadalada heerkoodu sareeyo.

Sikastaba ha ahaatee, ogolaanshiyaha laga helay labada dhinac ayaa hoos u dhigay xasarada siyaasadeed iyo walwalka dhanka ammaanka ee cirka isku tolay tan iyo bilowgii sanadkan aan ku jirno 2024-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM