Soomaaliya iyo Kenya oo "gaarey" is-afgarad cusub

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

DJABUUTI, Jabuuti – Dedaalo ay sameeyeen Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa ku kulmiyey hogaamiyeyaasha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo Kenya, Uhuru Kenyatta, fadhi uu goobjoog ka ahaa Wasiirka koowaad ee Suudaan, Cabdalla Xamduuk, kaasoo kalkii dambe albaabada loo laabay.

Furitaanka shirka aan caadiga ahayn ee dalalka xubnaha ka ah Urur goboleedka IGAD ku yeesheen Jabuuti ayaa looga dhawaaqay in la gaarey xal lagu wajahayo muranka u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Telefishinka Al Jazeera ayaa ku waramay in dedaalada hogaamiyeyaasha IGAD uu sababay in Soomaaliya iyo Kenya ay xiriirkooda soo celiyaan isla markaana joojiyaan eedeymaha iyo hadalada saxaafada la isku mariyo.

Shirka ayaa furitaankiisa wuxuu dib-u-dhacay laba saacadood si is-afgarad looga gaaro is-mar-waaga, waxaana aakhiritaankii shir wadajir ah yeeshey madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya.

IGAD ayaa ka kooban sideed dal oo kala ah; Djibouti, Sudan, South Sudan, Somalia, Kenya, Uganda, Ethiopia iyo Eritrea.

Urur Goboleedkan ayaa sanadka markii uu ahaa 1980 loo aas-aasay horumarinta dhaqaalaha wadamada bariga Afrika kahor inta aan 1990-kii la balaarin. Xaruntiisa waa magaala madaxda Jamhuuriyadda Jabuuti

Waajibaadkiisa waxaa kamid ah; difaacida degaanka iyo cuno ku filan dadweynaha waamada xubnaha ka ah. Si lamid ah, waxaa ku jira horumarinta xuquuqda dadka, amniga, nabada iyo is-dhexgalka.

Mawduucyada ugu kulul

Shir-madaxeedkan waxaa looga doodi doonaa wada-ogol ku wajahan qadiyado deg-eg ah oo ay kamid tahay dagaalka xuduudka Suudaan iyo Itoobiya, geedi u socodka nabadda Suudaanta Koonfureed, go'aanka uu Mareykanka uga saarey Suudaan liiska dalalka taageera argagixisada iyo la dagaalanka safmareenka Coronavirus.

Warkinh Gibbo, xoghayaha fulinta IGAD, ayaa sheegay in dhamaan is-faham-waayada u dhaxeeya dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka ay tahay in xal loo helo, isaga oo sheegay in kulankan uu daaran yahay arrintaas.

Hogaamiyeyaasha ayuu carabka ku adkeeyay in ay fursad u heli doonan in ay si furan uga doodaan qodobada ay isku hayaan iyo sidii loo balaarin lahaa dedaaladda lagula dagaalamayo safmareenka Covid-19.

Dhankiisa, safiirka Jabuuti u fadhiya Midowga Afrika ee Maxamed Idiris Faarax, ayaa ku nuux-nuux-saday hadii IGAD ku fashilanto xalinta is-mari-waaga wadamada xubnaha ka ah ay saameyn doonto Ururka AU-da.

Qaar badan ayaa rumeysan in IGAD ay xal u heli doonto is-faham-waayada taagan iyaga oo cuskanaya waaya-aragnimada guulaha ay kasoo hoyday nabadeynta Soomaaliya, soo afjirada colaadda bariga Suudaan iyo taageerida geedi-u-socodka siyaasadeed ee xalka loogu goobayo gudaha Suudaan halkaasoo dowlad ku meelgaar ah oo shacab ah ay waqti-xaadirkan ka talineyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse oo furay kulan lagu darsayo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya

Kulanka aqoon isweydaarsiga ah ayaa waxaa goobjoog ka ah Wasaaradaha Wax-soosaarka dalka.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 04:50PM

Senator Maryan oo Xasan iyo Xamse ku waanisay “inay qabuuraha ka xishoodan”

Qoraal ay ku daabacdey baraha bulshadda ayay aad uga faallootey mawduucka boobka dhulalka ee soo badanaya.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 01:09PM