Soomaaliya iyo Kenya oo kawada hadlay muranka Xadka [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa kawada hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xiriirka labada, amniga, ganacsiga iyo dhisamaha derbiga magaalada Balad Xaawo.

Axmed Ciise Cawad wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga dowladda Federaalka oo kula kulmay dhigiisa Kenya magaalada Nairobi ayaa isku afgartay qodobada ay kawada hadleen.

Xiisadda ka taagan Balad Xaawo ee ka dhalatay dhisamaha Derbiga dowladda Kenya ayaa sidoo kale kamid ahaa waxyaabihii ay kawada hadleen labada wasiir.

Monica Juma, Wasiirka arrimaha arrimaha Dibada Kenya ayaa sheegtay in dhawaan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay magacaabi doonaan gudi isku dhaf ah oo wasiiro ka kooban kuwaasi oo ka shaqeyn doono xalinta xiisada ka dhalatay dhisamaha derbiga.

Gudiga ayaa kulankiisa ugu horeeyay ku yeelan doono magacaabistii kadib magaalada Mandheera, oo ku taalla xuduuda Soomaaliya, iyagoo kawada hadli doono muranka xadka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta ayaa bishan gudahooda labo jeer xiriir dhanka Isgaarsiinta ah kaasi oo ay uga wada hadleen arrimaha joojinta dhisamaha derbiga.

Kenya ayaa billowday 2017 dhisamaha derbiga xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya kaasi oo dhirirkiisu gaarayo 700KM si ay uga hortagto weerarada Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM