Soomaaliya iyo Mareykanka kawada hadlay "danaha ay wadaagaan"

Image
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo Safiirka Mareykanka ayaa ku kulmay magaaladda Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa la kulmay danjiraha cusub ee Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Mudane Richard H. Riley, iyaga oo ka wada hadlay danaha labada waddan iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa intii uu socday kulanka waxa uu ka warbixiyay siyaasadda guud ee Xukuumadda DanQaran, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, iyo horumarrada laga sameeyay muddadii labada sano ahayd ee la soo dhaafay. 

Xamsa waxa uu sheegay in Xukuumaddu ay waddo Qorshaha Isbeddelka Qaran (National Transformation Plan), kaasi oo ku saleysan hawlaha ahmiyadda u leh Xukuumadda, sida xoojinta dowlad wanaagga, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo horumarinta arrimaha bulshada, iyada oo door muuqda ay ku leeyihiin ganacsatada iyo maalgashatada Soomaaliyeed si ka duwan qaabkii hore.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa markale caddeeyay mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan heshiis ku sheeggii sharci darrada ahaa ee Ethiopia, oo uu sheegay in marnaba Soomaaliya aanay oggolaan doonin taako ka mid ah dhulkeeda.

Waxa uu intaa raaciyay in Soomaaliya ay diyaar u tahay Iskaashi Ganacsi, Dhaqaale, Amni iyo Isdhexgal, balse ay ku xiran tahay, isla markaana aanay marnaba aqbali doonin ilaa Ethiopia ay ka laabanayso damaceeda gurracan.

Danjiraha Mareykanka Mr Riley ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya guulaha isdaba joogga ah ee ay ku tallaabsatay ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo bulshada, isagoo ugu hambalyeeyay dowladda Soomaaliyeed ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadka 2025 - 2026.

Safiirku waxa uu sheegay in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada ay siiyaan dalkeenna ee ay ugu horreeyaan dhinacyada amniga, arrimaha gargaarka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, isaga oo xusay in shirkadaha Mareykanka ay si gaar ah u daneynayaan in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM