Soomaaliya iyo Mareykanka oo gaarey is-faham dhanka waxbarashada ah

Image
Wasiirka Tacliinta, Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Madaxa USAID Soomaaliya, Sheri-Nouane Duncan-Jones, ayaa kulmay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa isku-fahmay in la balaariyo nidaamka waxbarashada lana gaarsiiyo ku dhawaad 85 boqolkiiba Soomaaliya oo ah qiyaastii 4 milyan oo carruur ah.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Kordhinta helitaanka fursado waxbarasho oo tayo leh ayaa ah mudnaanta koowaad ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya (MOECHE). Ku dhawaad 85 boqolkiiba Soomaaliya (qiyaastii 4 milyan oo carruur ah) ayaan dugsiyo iska diiwaan gelin, taasoo la macno ah baahida loo qabo in la ballaariyo waxbarashada habboon ee la heli karo ee Soomaaliya inaysan kaliya ahayn muhiim balse ay tahay baahi degdeg ah.

Hay’adda Maraykanka u qaabilsan horumarinta caalamiga ah (USAID) ee Soomaaliya waxay iskaashi la leedahay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya si loo xoojiyo nidaamka waxbarashada iyo horumarinta natiijada waxbarashada iyadoo la kordhinayo helitaanka waxbarashada iyo ka gudbidda caqabadaha hortaagan waxbarasho tayo leh.

Madaxa Hay’adda USAID Soomaaliya, Sheri-Nouane Duncan-Jones, ayaa maanta la kulantay Wasiirka Waxbarashada Mudane Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir, si aan u xaqiijino ballan qaadkeenna wadajirka ah ee horumarinta waxbarashada gabdhaha, wiilasha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed. Iyada oo loo marayo mashaariicda Bar ama Baro (BAB), Waxbarashada Gabdhaha qaan-gaarka ah ee Soomaaliya (AGES), Xasilinta Iyada oo loo marayo Barnaamijka Waxbarashada (STEP), USAID waxay iskaashi la sameysay wasaaradda waxbarashada federaalka iyo wasaaradaha waxbarashada maamul-goboleedyada si loo dhiso heerar waxbarasho iyo siyaasad tayo leh, iyo ballaarinta helitaanka waxbarashada 150,000 oo arday ah, oo ay ku jiraan carruurta iyo dhalinyarada aan dugsiyada dhigan ee goobaha dhawaan la xoreeyay.

“Ilmo kasta oo Soomaaliya ku nool wuxuu xaq u leeyahay waxbarasho. Si ay Soomaaliya u horumarto, waa in aan maal-gelinno hantideenna ugu muhiimsan oo ah carruurteena,” ayuu yiri Mudane Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya. "In addition to the 3,000 teachers already employed, our commitment to strengthening education leadership includes hiring, training, and deploying an additional 3,000 teachers on the government payroll, with increased attention to female educators and leaders."

“Marka laga soo tago 3,000 oo macalin ee horey loo shaqaaleysiiyay, waxaa naga go’an inaan xoojino maamulka waxbarashada innagoo isticmaaleyna shaqaaleysiinta, tababarida, iyo hawlgalinta 3,000 oo macalin oo dheeri oo ay dowladdu mushaarkooda bixin diinto, iyadoo fiiro gaar ah loo yeelanayo macalimiinta haweenka ah iyo madaxda.”

“USAID waxaa ka go’an in ay si dhow ula shaqeyso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya si loo ballaariyo helitaanka waxbarashada dalka oo dhan,” ayay tiri Agaasimaha Hay’adda USAID ee Soomaaliya Sheri-Nouane Duncan Jones. “Waxaan ku amaanaynaa hogaaminta Wasiir Faarax ee dhanka waxbarashada, gaar ahaan shaqaaleysiinta, tababarida iyo hawlgelinta 3,000 oo macalin oo cusub, taasoo ka qayb qaadanaysa horumarinta waxbarashada Soomaaliya iyadoo in ka badan saddex jibaarantay tirada macalimiinta ee ay dowladdu mushaar siiso.” 

USAID waxa ay sii wadi doontaa iskaashiga ay la leedahay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya si loo horumariyo jiilka soo socda ee ardayda, barayaasha iyo hogaamiyayaasha qaybta waxbarashada.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM