Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka shiray codeynta Aqalka Hoose

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa shalay oo Isniin ahayd ku qaabilay magaaladda Muqdisho Safiirka Kenya u qaabilsan Soomaaliya, Lucas Tumbo.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga labada dal ee deriska ah u dhexeeya iyo qabanqaabada kulan ay yeesheen guddiga wadajirka ah ee iskaashiga Soomaaliya iyo Kenya.

8 bishii August,  Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa kulankoodii Muqdisho waxa ay isku-afgarteen in la dedejiyo qabsoomidda kalfadhiga seddexaad ee Guddiga Wadajirka ah si loo ambaqaado waxyaabaha dano wadaagga sida Ganacsiga, Maalgashiga, Amniga, Gaashaandhigga, Beeraha, Dalxiiska, iyo xiriirka labada dad.

Dhanka kale, Maxamuud, ayaa isla shalay ku qaabilay Muqdisho, Siihayaha Safaaradda Mareykanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo. Colleen Crenwelge.

Is-aragan ayaa diirada waxaa lagu saarey adkeynta cilaaqaadka diblumaasiyadeed ee labo geesoodka iyo iskaashiga, si la mid ah horumarka laga gaaray amniga iyo siyaasadda.

"Kulanka ayaa la iskula eegay xaaladihii ugu dambeeyay ee dunida iyo gobolka, sidoo kale arrimaha doorashooyinka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo u diyaar garowga qabashada doorashada Madaxweynaha," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

Geesta kale, wasiirMaxamuud, ayaa maanta oo Isniin ah ku qaabilay Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mehmet Yilmaz.

"Waxa ayna si qotodheer uga wadahadleen xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah," ayay wasaaradda ku tiri war qoraal ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray sidii la isaga kaashan lahaa kor u qaadidda heerka iskaashiga laba dhinaclaha ee dhinacyada dhaqaalaha, is-dhaafsiga ganacsiga, dhaqanka iyo dalxiiska.

Si lamid ah waxay ka shieen iyo sidii loo dhiirigelin lahaa maalgashiga iyo siyaabaha looga gudbi karo dhammaan caqabadaha soo wajaha arrinkan, iyo sidoo kale qaban-qaabinta booqashooyin ganacsatada labada dhinac ay is-weydaarsadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM