Soomaaliya iyo Mareykanka oo kala saxiixdey is-faham milatari

Image
Mareykanka ayaa kamid ah dalalka taageerada joogtada ah siiya Soomaaliya gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, iyo danjiraha Mareykanka u fadhiya Muqdisho, Larry André, ayaa kala saxiixdey is-afgarad dhanka milatariga ah.

Nuur oo loo garan-og-yahay Jaamac ayaa qoraal uu ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga waxa uu fahfaahin uga bixiyey is-fahamka uu la galay wakiilka xukuumadda Washington.

"Waxaan maanta aniga iyo Danjiraha Mareykanka Mudane Larry André is-afgarad ku kala saxiixanay magaalada Muqdisho, kaas oo gundhiggiisu yahay dhisidda ciidamada XDS ee Danab. Waxaan Isku afgaraney xoojinta dagaalka lagula jiro Khawaarijta," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Ahmiyadda is-afgaradkan waa in tababbar iyo qalabeyn loo sameeyo CXDS ee Danab, si loo gaaro isku filnaansho Ciidamada Qalabka Sida ay kula wareegi karaan guud ahaan amniga dalka".

"Waxaan Dowladda Mareykanka uga mahad celineynaa taageerada uu mar walba la garab taagan yahay Dowladda Soomaaliya," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiirka.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka taageerada joogtada ah siiya Soomaaliya gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo tababaridda ciidamadda kumaandooska ee loo yaqaano Danab.

Danab oo xaruntooda ugu weyn ay tahay degaanka Balidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa qorshuhu yahay in la kordhiyo tiradooda sanadaha soo aadan si ay uga adkaadaan Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM