Soomaaliya iyo Masar oo taageeray in xabad-joojin laga hirgeliyo Gaza

Image
Wasiirrada Arrimaha Dibadda labada dal ayaa ku kulmay magaaladda caasimada ah ee Qaahira.

QAAHIRA, Masar - Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Soomaaliya ayaa Talaadadii ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal iyo dadaallada wadajirka ah ee wax looga qabanayo caqabadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Sameh Shoukry ayaa Cali Maxamed Cumar ku soo dhoweeyay magaaladda Qaahira, intii uu ku guda jiray booqashadii wasiirka Soomaaliya uu ku tagay Masar.

Labadan mas'uul ayaa muujiyay sida "ay u jecel yihiin inay xiriir dhow ka yeeshaan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee danta guud," ayuu yiri Axmed Abu Zeid, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Masar.

Shoukry wuxuu ku celiyay taageerada Masar ee dadaalka Soomaaliya ee lagu wanaajinayo nabadda iyo ammaanka gobolka Geeska Afrika, taasoo uu yiri "waxay ka dhigan tahay tiirka aasaasiga ah ee amniga gobolka iyo qaaradda."

Wasiirka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday xaaladda bini’aadantinimo ee sii xumaanaysa ee marinka Qaza, oo ay ku jirto beegsiga Israel ee dadka rayidka ah iyo carqaladaynta kolonyada gargaarka.

"Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay baahida loo qabo xabbad joojin degdeg ah ka hor bisha Ramadaan si loo ilaaliyo rayidka Falastiiniyiinta," ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka.

Mas’uuliyiintan ayaa ka wada hadlay colaadda ka taagan dalka Suudaan, waxayna isku raaceen inay lagama maarmaan tahay in la qaado tallaabooyin wax ku ool ah si loo gaaro xabbad joojin waarta, si loo soo afjaro dhibaatada lagu hayo shacabka Suudaan.

Waxa ay sidoo kale iftiimiyeen baahida loo qabo tallaabo cod wadajir ah oo Carabtu ay uga hortagto xasaradaha iyo colaadaha gobolka oo dhan, oo ay ku jiraan hawlgallada milatari ee Badda Cas.

Cumar ayaa uga mahadceliyey Masar taageerada ay ka geysaneyso ilaalinta madax bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Qaahira waxay balanqaadey in ay bixineyso wax kasta si looga hortago damaca Itoobiya ee ka dhanka ah Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM