Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo ka shiray xasiloonida Geeska Afrika

Image
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, Annette Weber.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyadda Qaranka ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, Annette Weber.

Xasan Sheekh iyo Annette ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo doorka Midowga Yurub ee dowlad-dhiska iyo horumarka Soomaaliya, iyagoo si gaar ah uga arrinsaday dagaalka ka dhanka ah argagixisa iyo tayeynta ciidamada.

"Egeyga Midwoga Afrika ee Soomaaliya Marwo Annette Weber waxay adkeysay mowqifkii Midowga Yurub ee ilaalinta xasiloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika," ayay tiri Villa Soomaaliya.

Warka qoraalka ah ee Madaxtooyadda ayaa intaas ku daray: "Iyadoo xustay muhiimadda ay siinayaan in la dhowro madaxbanaanida, gobonimada  iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya". 

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey tageerada Midowga Yurub ay u muujiyeen qaranimada iyo madaxbaaninda Soomaaliya," ayuu bayaanka intaas sii raciyay.

Dhanka kale, inta uu socdey wadaxaajoodka, Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed difaaca dhulkooda, baddooda iyo gobanimadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM