Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo heshiis kala saxiixday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa maanta oo Axad ah ku kala saxiixday Muqdisho heshiis ku saabsan maqaamka Ergada Midowga Yurub ee awood dhisidda tababar ee Soomaaliya (EUCAP Somalia).

Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, iyo Safiirka Ergada Midowga Yurub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Nicolás Berlanga Martinez.

Heshiiska ayaa waxa uu qeexayaa habka iyo wadashaqaynta Midowga Yurub iyo Soomaaliya, iyadoo lala jaanqaadayo waxyaabaha muhiimka u leh qorshayaasha nabadgelyada iyo deganaanshaha ee lagu kobcinayo awoodda nafsiyadeed ee sare loogu qaadayo amniga badaha Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Midowga Yurub ee Muqdisho ayaa waxa ay tilmaameen horumarka xiriirka iskaashi ee wanaagsan ee labada dhinac u dhexeeya sidii hore loogu dhaqaajin lahaa si loo gaaro natiijooyin lagu qanco oo ka tarjumaya himilooyinka la doonayo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM