Soomaaliya iyo Pakistan oo kawada hadlay iskaashi

Image
Image
Image
Labada Wasiir ayaa kulankooda diirradda ku saaray adkaynta iskaashiga iyo wax wada qabsiga.

ISLAMABAD, Pakistan - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa ka qayb galay Shirka aan Caadiga ahayn ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka.

Cali ayaa dhanka kale wuxuu kulan-doceed la qaatay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee dalka Baakistaan, Shah Mahmood Qureshi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Labada Dal.

Labada Wasiir ayaa kulankooda diirradda ku saaray adkaynta iskaashiga iyo wax wada qabsiga Soomaaaliya iyo Baakistaan ee dhinacyada diblomaasiyadda, amniga, ganacsiga, sayniska iyo tiknoolojiyadda, iyaga oo isla gartay in labada dal ay dhowaan wada garaan heshiis iskaashi oo ku saabsan arrimahaas.

Shirkan ayaa looga hadlayey wax ka qabashada xaaladda bini'aadannimo ee ka jirta dalka Afgaanistaan. Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali ayaa muujiyey in Soomaaliya ay garab taagan tahay dadka reer Afgaanistaan.

Ururka Iskaashiga Islaamka iyo guud ahaan Beesha Caalamka ayuu inta uu shirka socdey wuxuu ugu baaqay in xal degdeg loo helo xaaladda bini'aadannimo ee ka jirta Dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM