Soomaaliya iyo Sacuudiga oo galay heshiis ku kacaya $36 Milyan

Image
Heshiiskaan maanta ay magaalada Viena ay ku gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC.

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxa maanta magaalada Viena ee dalka Austria heshiis kula saxiixday Sanduuqa Horumarinta Caalamiga ah ee OPEC iyo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige heshiiskaas oo xal looga gaaray deymo Sanduuqa OPEC uu ku lahaa Soomaaliya oo dhan $36 Milyan.

Heshiiskaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC ay wada gaareen ayaa waxaa kaalin muhiim ah kulahaa Dowladda Sacuudiga oo fududeysay wadahadalada xalka looga gaaray deyntaan iyo waddii loo maray xalinteeda oo muddo ku taagnayd Soomaaliya.  Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiska ay kaalin muhiim ah ku lahayd fududeyntiisa Dowladda Sacuudiga oo uu uga mahacelceliyay. 

"Waxa aan heshiis ka gaarnay maanta Deyntii Sanduuqa OPEC si aan u xallino deymaha uu nagu lahaa Sanduuqa oo gaaraysay $36 Milyan. Waxa aan ka mahadcelineynaa taageerada Dowladda Sacuudiga ee fududeysay dhabaha loo maray xalinta deyntaan. Tani waa guul kale oo laga gaaray wada-xaajoodyada Deyn Cafinta Soomaaliya, ee lagu guuleystay ee taageeraya xasilloonida dhaqaale ee Soomaaliya". Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan.

Heshiiskaan maanta ay magaalada Viena ay ku gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC oo wadaxaajoodyo iyo heer kala duwan oo shirar ah soo maray ayaa uga dhigan Soomaaliya in ay fursad u heli doonto mustaqbalka dhaw in ay qayb ka nqooto deeqaha iyo mashaariicda horumarineed ee Sanduuqa OPEC uu siiyo si la mid ah dalalka soo koraya sida Soomaaliya  gaar ahaan Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM