Soomaaliya iyo Save the Children oo kala saxiixdey heshiis is-afgarad ah

Image
Soomaaliya ayaa sanadkii 2015 saxiixday axdiga Qaramada Midoobay ee ilaalinta xaquuqda carruurta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa guud ee hey’adda Save the Children, Ms Inger Aishling.

Aishling waxaa wehliyay madaxa Save the Children Somalia, Mohamud Mohamed Hassan, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo adkeyn lahaa ilaalinta xuquuqda carruurta Soomaaliyeed, loona abuuri lahaa fursado wax u taraya ubadkeena.

Kulanka kadib, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Save the Children, waxa ay kala saxiixdeen heshiis is afgarad oo qayb ka ah dardarin gelinta daryeelka carruurta Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa sanadkii 2015 saxiixday axdiga Qaramada Midoobay ee ilaalinta xaquuqda carruurta adduunka, si looga hortago wax walba oo dhibaato u keeni kara carruurta Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM