Soomaaliya iyo Talyaaniga oo iska kaashanaya dhanka difaaca

Image
Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Dhiggiisa dalka Talyaaniga ayaa ku kulmay magaalada Rome.

Muqdisho, Soomaaliya - Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga XFS iyo Dhiggiisa dalka Talyaaniga ayaa maanta magaalada Rome ee Dalka Talyaaniga ku yeeshay kulan looga hadlay wadashaqeynta labada Wasaaradood ee Arrimaha Difaaca.

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa inta uu kulanka socday dhiggiisa la wadaagaay muhiimada ay Soomaaliya u leedahay taageerada Saaaxibada Caalamka xilligan.

Dowladda Soomaaliya ayaa waddo dagaal ka dhan kooxda ‘AS' isla amrkaana wajahayso Khataro la xiriira damaca ay dowladda Itoobiya ku dooneyso badda Soomaaliya.

Dowladda ayaa ku jirta dadaal ay ku abuureyso xulufo ka taageeraya dhanka difaaca, kuwaas oo ka kooban wadamo gobolka ah oo Soomaaliya la wadaaga caqbadaha ka taagan Bariga Africa iyo dalal Caalami ah.

Inta uu socdo "Shirka Talyaaniga & dalalka Afrika" ayaa la filayaa in dowladda Soomaaliya heshiis iska kaashi dhanka Amaanka iyo Difaaca ah ay kala saxiixato qaar ka mid ah wadamda ka qeyb galaya Shirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM