Soomaaliya: Jawaari oo kulan gaar ah la yeeshay Madaxda AMISOM

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa kulan gaar ah maanta Muqdisho kula yeeshay Taliska sare ee AMISOM.

Jawaari oo ay wehliyaan ku xigeenkiisa labaad Mahad Cabdalla Cawad, Gudoomiyaasha gudiyada joogatada iyo Xildhibaanno dhowr ah ayaa Xarunta Xalane kula shiray Ergayda Midowga Africa ahna Madaxa AMISOM Francisco Madeira.

Wararka aan ka helayno illo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Kulanka diiradda lagu saarey arrimo la xiriira xaaladda Baarlamaanka, amaanka xarunta Gollaha Shacabka iyo doorka AMISOM ee sugista amaanka.

Gudoomiye Jawaari ayaa ka codsaday hogaanka AMISOM inay la wareegaan mas'uuliyadda amaanka xarunta Gollaha Shacabka xilli la filaya in la guda galo codeynta Mooshinka isaga ka dhanka ah.

Madaxa AMISOM Francisco Madeira ayaa u balan qaadey Jawaari inay gudan doonaan waajibkooda ku aadan sugista amaankiisa iyo xarunta Gollaha Shacabka oo dhawaan la geeyay Ciidamo aan ahayn kuwii horey loogu ogaa.

Xiisadda Siyaasadeed ee ka dhex taagan Xildhibaanada Mooshinka wada ee ku xiran Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha iyo kuwa difaacaya Jawaari ayaa mashquulisay Xukuumadda iyo Hay'adahihii kale ee dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM