Soomaaliya: Jeneraal gadoodsan oo dagaal ka bilaabay Muqdisho

Image
SAWIR HORE

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay xalay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada Booliska Milateriga iyo ciidan kale oo taabacsan Jeneraal lagu magacaabo Sheegow Axmed Cali, iyadoo laamaha ammaanka aysan wax war ah ka soo saarin ilaa hadda.

Dagaalkan ayaa qarxay kadib markii uu Jeneraalka diiday in uu Booliska ku soo wareejiyo laba askari oo loo heysto in ay dileen askari kale oo ka tirsan ciidamada Booliska Milateriga/Boliis Militari.

Jeneraalka iyo ciidamadiisa ayaa haatan difaac ka sameystay degmada, halka booliska ay hareereeyeen goobta, iyaga oo wata gawaari Cabdibile ah oo tiradoodii gaaraya 20.

Kadib is rasaaseynta dhexmartay Boliska iyo ciidamada Jeneraalka, qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee matalayay Jeneraalka ayaa isku dayay inay ay soo farageliyaan oo ay dhexdhaxaadiyaan labada dhinac balse isku daygaas ayaa ku soo dhamaaday fashil.

Laamaha ammaanka ayaa xaqiijiyay in saacadaha soo socda ay xoog ku weerari doonaan guriga Jeneraalka, ayna soo afjari doonaan weerarka iyaga oo gacnta ku soo dhigaya dadka la tuhunsan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM