Soomaaliya: Kalfadhig 3aad ee BFS oo aan si sax ah u shaqeynin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kalfadhiga 3aad ee Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u xirmaya 10-ka July, iyadoo Xildhibaanada galayaan fasaxooda dastuuriga ah.

Kalfadhigan oo furmay 10-kii Maarso, 2018 ayaa shaqeeyay wax ka yar saddex bilood, taasi oo aan wafaqsaneyn xeer hoosaadka Gollaha Shacabka, oo soo jeedinaya in Kalfadhi kasta shaqeeyo 4 billod.

Waxaa intaasi dheer in Xildhibaanada ay yeesheen wax ka yar 20 kulan, halka laga rabey inay kulmaan 48 jeer Kalfadhi walba, sida uu qabo Xeer hoosaadka.

Xildhibaananada oo fasaxa uu billaabanaya 10-ka bishan ayaa maqnaan doona illaa bisha September ee 2018. Fasaxan ayaa imaanaya iyadoo Golluhu uusan dhameystirin qorshaha Kalfadhiga 3aad.

Sida uu dhigayo Xeer hoosaadka, Gollaha Sharci dejinta dalka ayaa safax gala sanad walba billaha July iyo August, laakiin fasaxan ayaa u dheer hal bil oo dheeri ah taasi oo ah bishii June, oo uusan shaqeynin.

Fadhiyadii Kalfadhiga 3aad ee xirmaya hadda ayaa hareerar Khilaaf Siyaasadeed, kaasi oo ka dhashay Mooshinkii Xildhibaanada laga keenay Gudoomiyihii hore ee Gollaha, Maxamed Cismaan Jawaari, oo baajiyay Kulamo badan.

Sidoo kale, qaar kamid ah fadhiyadii Kalfadhiga 3aad ayaa u baaqday Kooram la'aan, oo Xildhibaanada soo xaadiri jirin, sababtoo ah inay ku kala qeybsameen Mooshinkii Jawaari, ku qasbay inuu is-casilo.

Markii ay kasoo laabtaan fasax, Xildhibaanada ayaa looga fadhiyaa inay ansixiyaan xeerar aad u badan, oo uu ku jiro midka doorashada 2020, oo laga rabo inay ku qabteen September illaa December 2018.

Tan iyo markii uu Isbedelka ku yimid hogaanka Gollaha Shacabka April 2018, waxaa sii xoogeysanayay saameynta Villa Soomaaliya ee Baarlamaanka, iyadoo xusid mudan in Gollaha Wasiirada 65% Xildhiabaanno yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM