Soomaaliya: Kalfadhiga 2-aad ee Aqalka Sare oo la soo xirayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kalfadhiga 2aad ee Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah lasoo xiro, iyadoo Senatarada ay gali doonaan fasaxooda dastuuriga ah.

Kalfadhigan oo furmay 12-kii July, 2016, ayaa waxay Senatarada ay ansixiyeen sharciyo badan, oo masoo meel-mariyeen Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka qeyb-galaan xiritaanka Kalfadhiga 2aad ee Aqalka Sare.

Aqalka Sare ayaa qabtay shaqooyin badan mudadii lixda bilood ee uu soo shaqeeyay, kuwaasi oo ay kamid yihiin dhex-dhexaadinta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah.

Waxa uu sidoo kale ka shaqeeyay isu soo dhaweynta hogaamiyaasha dalka oo ku kala aragti duwanaa arrimaha ka taagan Khaliijka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM