Soomaaliya: Kalfadhiga 2-aad ee Aqalka Sare oo la soo xirayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kalfadhiga 2aad ee Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah lasoo xiro, iyadoo Senatarada ay gali doonaan fasaxooda dastuuriga ah.

Kalfadhigan oo furmay 12-kii July, 2016, ayaa waxay Senatarada ay ansixiyeen sharciyo badan, oo masoo meel-mariyeen Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka qeyb-galaan xiritaanka Kalfadhiga 2aad ee Aqalka Sare.

Aqalka Sare ayaa qabtay shaqooyin badan mudadii lixda bilood ee uu soo shaqeeyay, kuwaasi oo ay kamid yihiin dhex-dhexaadinta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah.

Waxa uu sidoo kale ka shaqeeyay isu soo dhaweynta hogaamiyaasha dalka oo ku kala aragti duwanaa arrimaha ka taagan Khaliijka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM